TAARIIKHDA FOG EE SOOMAALIDA: Sideen u Akhrinaa Aragtiyaha Kala Duwan | MAXAMUUD MAXAMAD XASAN

Maxamuud Maxamad Xasan kulankan waxa uu kaga hadlayaa aragtiyaha kala  duwan ee taariikhda fog ee Soomaalida laga kala qabo,  waxa uu  niqaashayaa farsamooyinka, dariiqyada iyo aaladaha loo adeegsado  darsidda taariikhda duugga ah.  Kulankani waxa uu ka mid ahaa kulan aqooneedyadii la socday bandhiggii  buugta Baraarug ee Hargaysa ka qabsoomay Jan 2018.   Bandhigga #BuugtaBaraarug oo ay fulisay Madasha Baraarug waxa uu daahfur iyo bilaw u ahaa silsilad bandhigyo buugeed oo madashu qorshanayso in ay fuliso. Halkan Ka Daawo: https://www.youtube.com/watch?v=jf5Q4W8dmW4&list=PLAo8C7v1VHrVbTDWvv9TZtnzppEC3Kh0R&index=3&t=0s

Om Podcasten

Madasha Baraarug waxa ay agaasimtaa bandhigyo buugeed hadafkoodu yahay buugaag tayo leh in uu ka helo akhristaha Soomaaliyeed. Bandhigyadan oo si joogto ah u qabsooma, waxa ka baxa cashirro/muxaadarooyin aqooneed oo muq leh. Halkan ayaadna ka dhagaysan kartaa cashirradaas.