#27: Dhalinyarada iyo caafimaadka maanka – wareysi aan la yeelanay Asma Dhamac

Waxaan xalqadeena kaga hadleynaa caafimaadka maanka iyo cudurada ku dhaca dhimirka/maanka ee dhalinyarada. Waxaan wareeysanahay Asma Dhamac oo ku taqasustay cilmi nafsiga, una ololeysa sida ay bulshada Soomaalida u fahmi lahaayeen caafimaadka iyo cudurada ku dhaca maanka. Waxay xalqadeena Asma kaga hadleysaa sideey dhalinyarada iyagana u ogaan lahaayeen caafimaadka maanka iyo waxyaabaha ay sameeyn lahaayeen si ay uga hortagaan. Waxay kaloo Asma ka hadashay sideey waalidiinta iyo bulshadana u taageeri lahaayeen dhalinyarada. Asma waxaad kala xiriiri kartaa YouTube channel-keeda oo la yiraahdo Sirta Maana: https://www.youtube.com/channel/UClxzq7cuXnnhKhFUfXVKT9Aiyo Instagram @asmadhamac. Heesta aan kusoo gabagabeyneyno xalqadeena waxaan kasoo qaadanay Aar Maanta iyo heesta Ubadkaa mudnaanta leh: https://www.youtube.com/watch?v=Hc_zrRYx8Bc 

Om Podcasten

Being a parent is both a great joy and at the same time stressful and overwhelming, especially if you are rising your child in a different culture and context than yours. In one moment, we feel that everything is so smooth, and the next that we are failing. But we want to assure you that being parent is not being perfect, there is no perfection in parenting, but being a good enough parenting. If you want to strive and better understand yourself as a parent and your child, this podcast series is for you. Get engaged with fruitful and practical tips that you can apply on your daily parent-child relationship. Waalidnimada waa mid ku dheehan farxad, waxayna sidoo kale ay tahay mid howl adag oo mararka qaarkiina welwel leh, qaasatan haddii aad tahay waalid ilmihiisa ku korinaaya wadan ama meel aan wadankiisa eheen. Mararka qaarkii waalidka wuxuu dareemayaa ineey waalidnimada aad u fududahay, marmarna waxaa dhaceysa inaan dareemno guul daro. Laakiin waxaan jecelnahay inaan waalidiinta niraahno ma jirto qof waalid oo dhinac walbo ka dhamaystiran, ama perfect ah. Waalid walbana wuxuu sameeyn wanaag inta karaankiisa. Haddii aad dooneyso inaad waalid ahaan isku fahamto, ilmahaaga fahmto, Podcastigaan waa mid ku anfacaya. Nagala soco halkan, anagoo idiin soo tebineyna talooyin la taaban karo oo aad u isticmaali karto Horumarinta qoyska, kobcinta caruurta iyo dhalinyarada.Music: Joseph McDade (SunRise expedition) https://josephmcdade.com/musicArt by Fartuun Hashi. In collaboration with https://www.noorawellbeing.com/. Waxaan kaa codsaneynaa inaad nala socoto oo aad qiimeyso Podcast-kaan iTunes: https://podcasts.apple.com/se/podcast/ladnaan-podcast/id1526192367 ama Stitcher: https://www.stitcher.com/podcast/ladnaan-podcast?refid=stprWaxaad nagala soo xiriiri kartaan: [email protected] ama Instagram: @ladnaan_podcast